Xildhibaan Gaving Walliomson, ayaa bogaadiyay Isfahamka Ethiopia iyo Somaliland

0
30

Xildhibaan Gaving Walliomson, ayaa bogaadiyay Isfahamka Ethiopia iyo Somaliland

 

“ Sida aad ogtihiin in badan oo idinka mid ahi, waxa aan muddo dheer u danaynayey horumarka iyo barwaaqada Somaliland. Waxa aan si hagar la’aan ah ugu ololeeyey in aan arko Somaliland oo si rasmi ah loogu aqoonsaday dalka hanka iyo firfircoonida leh ee ay tahay.

 

Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ah ee u aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan. Hadda waxaan rabaa in aan arko UK oo qaaday tallaabo la mid ah tii go’aanka ahayd oo ay u dhaqmayso sidii qalinleyda UN-ta ee la xidhiidha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Ingiriisku waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland adduunka oo dhan. Waxaynu u baahannahay in aynu aragno waxqabad iyo hoggaan degdeg ah oo ka yimaada Raysal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Lord Cameron, iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo Qaranimada Somaliland. Muddo aad u dheer Ingiriisku ma qaban wax ku filan – wakhtigan biyo-mareenka ah, waxa la gaadhay wakhtigii aynu si geesinnimo iyo go’aan leh u shaqayn lahayn.

 

Aynu hormood ka noqono arrimaha caalamka oo aynu gacan ka gaysanno sidii ay Somaliland madax-banaanideeda u heli lahayd.”