Xeerkii isa saarka doorashooyinka Qaranka oo u dhacay maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

0
34

Xeerkii isa saarka doorashooyinka Qaranka oo u dhacay maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

Xeerkii isa saarka doorashooyinka Qaranka ayaa dib u dhacay.

 

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu ka codsaday gudiddi gacanta ku haysay xeerka inay warbixin ka siiyaan golaha hawsha xeerkii mudada badan ay gacanta ku hayeen.

 

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, ayaa sheegay in xeerkii la isku gurayo, isla markaana isaga Xeerkii dhammeystiran ay golaha horkeeni doonaan.

 

Xeerkan ayay gacanta ku hayaan guddi ka kooban 15 Mudane oo ka tirsan golaha guurtida JSL, kuwaas oo ku hawlana muddooyinkii u danbeeyay.

 

Xeerkan isa saarka doorashooyinka Qaranka ayay bulshada Somaliland isha si weyn ugu haysaa.