Xaafadda State House-ka Gubashadii 15-aad iyo Qoysaska ku Guryo-beeley ee Hoy la’aanta ah

0
30

Xaafadda State House-ka Gubashadii 15-aad iyo Qoysaska ku Guryo-beeley ee Hoy la’aanta a

 

Hargeysa – Xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin bulsho aad u fara badan, isla markaana isdulsaara ayaa la daris noqotay gubashada dabka, inkasta oo khasaaraha dhimashada dabka ka dhashay uu ku yaraa, kuna dhinteen qof weyn oo dumara iyo gabadh yar oo dababkii u horeeyay ku dhintay.

 

Xaafadda State House-ku waxay gubatay sida masuuliyiinta Xaafaddu sheegeen in kabadan 15 goor, markastana waxa ka dhalanayay khasaare hantiyeed oo soo gaadhayay qoysas kala duwan oo guryahoodu ku shufbeeleen wax hantiyana kala bixin.

 

Dabkii ugu danbeeyay oo saameeyay guryaha 7 qoys oo danyara waxna aanay uga danbayn ayaa ka dhacay toddobaadkii hore xilli habeenimo goor danbe ah, waxaana ku shuf belay guryaha toddoba qoys kuwaas oo wax hantiyi aanay badbaadin.

 

Masuuliyiinta Xaafadda iyo qoysaska dabku dibedyaalka ka dhigey oo ka hadlay masiibadaasi ayaa xukuumadda, ganacsatada, hay’addaha iyo cidkasta oo taakulo la soo gaadhi karta ka codsaday in dadkaasi loo soo gurmado dibadyaalka ku ah halkii guryahoodu ku shufbeeleen.

 

Hooyo Xabiiba Cismaan Maxamuud, oo qiiraysan kana mid ah dadkii ku guryabeelay masiibada dabkii ugu danbeeyay ee toddobada qoys saameysay ayaa codsatay in laga raro xaafadda isku raranta ah ee dariska la noqotay gubashada dabka, waxaaney xukuumadda ka codsatay in loo soo saaro Kaadhadhkeedii Muwaadinka iyo codbixiyaha iyada oo aan ka hadal hantideedii kale ee ay ku wayday gubashada dabka ee ay dibedyaalka ka tahay.

Waxaaney tidhi.“Lix qof oo ka mida qoyskayga Kaadhadhkoodii aqoonsiga ayaa ku gubtay, dowladda ayaan ka codsanaya in Kaadhadhka Muwaadiniinta iyo kuwa doorashooyinka ee aanu dabka guryahaga halakeeyay aanu ku weynay inay meel uun nooga soo saaraan, ilayn muwaadin noqonmaayo haddii aan Kaadhka Muwaadinka waaye”

 

Mukhtaar Maxamuud Liibaan, oo ka mid ah qoysaska ku hantida belay dabkii hala keeyay xaafadda isku raranta State House, ayaa sheegay in dirqi iyo faracididood uu kaga baxay dabkii gurigiisa qabsaday, waxa uu xusay in uu habeenkii u hoydo goobtii dhismaha gurigiisu ka dhisna oo imika gawaan madhana, waxa uu bulshada in looga gargaaro ILLAAHEYba gargaar haye dhibta ay la dariska noqdeen isaga iyo qoysaska kale jaarkiisu.

 

Waxaanu yidhi.“Halkan waanu ku hantibeelay, 3 habeenimo ayuu dabku na qabsaday, gurigu isaga oo xagga danbe ka ololaya ayaan idhaha soo kala qaaday, albaaba dirqi ayaan kaga baxay, shay ILLAAHEY leeyahayna kalamaan bixin.

 

Dhaxantii dhacaysay halkaasi ayaan dhex seexday, wixii aan huwadayna jaarka ayaa ii keenay, cidkasta oo damqanaysa waxaan doonaya inay wax nagala qabtaan”

 

Xaliimo Maxamuud Daahir, qoyskeedu waxa uu ka kooban yahay 3 qof, waxa guri jiingada oo ay ku jiraan ku xidhan cagahana ka silsiladaysan gabadh 24 jira oo ay habaryar u tahay, guri kale oo ku xigana oo isna jiingada waxa xaalad xannuun u jiifa walaalkeed, waxaa ay sheegtay in duruufaha qoyskeeda ku gadaaman ay u dheer tahay dabka xaafadda State House ay la dariska noqotay, waxaanay sheegtay in dad gubaan xaafadda.

 

Waxaaney tidhi. “Xaafadu aad iyo aad ayay noogu cadilan tahay, dad xannuunsanaya oo silsiladaysan ayaanu guryaha ku haysana, oo kolba Kaanboolka kugu xiga gubanayo, haddii aad meeluun u bixilahaydna aanad ka bixin karin, cid tidhi bal dadkan aynu hoos u eegno majirto, aniga gabadh 24-jira ayaa guriga igu silsiladaysan, taas oo aan hooyana lahayn aabana lahayn, aniguna aan ahay habaryarteed.

 

Xaafadayada dadba guba oo u diyaara, hadaad tukaanka u baxdo isaga oo gurigii gubanaya ayaad arkaysa, anigu xoog waan leeyahay balse way guban ayaan u duljooga markasta”

 

Dabka inta badan ka kaca xaafada State House ee magaalada Hargeysa, ayaan ilaa hadda xal waar loo helin, kaasi oo sababa burbur hantiyeed iyo barakac dadweyne.