Firdhiye Oo shir Deg Deg Ah isugu Yeedhay Fhammaan Isimada dhaqanka Sool

0
34

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maanta shir deg deg ah isugu yeeray dhammaan isimada dhaqanka SSC.

 

Hoggaamiye Firdhiye ayaa dhammaan hoggaanka dhaqanka SSC ku wargeliyay in ay soo xaadiraan shir deg deg ah ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee taagan.

 

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga arrinsanayo go’aanka ku habboon ee laga qaadan karo arrimaha doorashada Puntland gaar ahaanna xulista xildhibaannada.

 

Dood adag ayaa ka taagan sida laga yeelayo xulista 17-ka xildhibaan ee Baarlamanka Puntland kaga jira gobollada SSC maadaama degaannadaasi yeesheen maamul gaar ah.

 

Puntland post