Xeer-ilaliyuhu Muxuu Ku Soo Arkay Meelahan Uu Kormeerka Ku Tegay

0
33

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland C/raxmaan Jaamac (Hayaan) ayaa kormeeray Shaqo Ku Soo Marey Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda Ee Magaalada Balligubadle Ee Gobolkaas Hawd.

 

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminaayeya ayaa waxaa qaabiley weftigaas Masuuliyiin ka tirsan Gobolkaas Hawd.

 

Iyadoo Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka Somaliland C/raxman Jamac iyo weftigaas uu hogaaminaayey oo ay wahelinaayeen masuuliyiin ka tirsan Gobolkaas Hawd ayaa soo kormeeray xarunta xafiiska xeer ilalainta Gobolka Hawd,xafiiska maxkamadda Gobol Degmo ee Gobolkaas hawd, Xabsiga Gobolkaas Hawd iyo xabsiga saldhiga Magaladaas Balli- gubadle, waxaaney weftigaas warbixino kala duwanaa ka dhageysteen masuuliyiinta ka howlgala xarumahaas, weftigaas warbixono kala duwanaa ka siiyey howlahha Qaranka u hayaan.

 

Dhinaca kalena, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland C/raxmaan Jaamac (Hayaan oo markii kormeerkiisaas u soo dhammaadey warfidiyeenadda la hadlay ayaa waxaa uu ka waramey marxaladihii kala duwanaa ka soo gudbey xafiiska xeer ilaalinta Gobolkaas Hawd.

 

isla markaasina uu ka mid yahay xafiisyadda Goballada Dalka ka dhisan Ee sida wanagsan Bulshadda ugu adeegga,xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranku waxa uu ku Bogaadiyey Bulsho weynta ku dhaqan Gobolkaas Hawd sida wanaagsan u dabakheen Shuruucda Dalka u dajisan, waxaanu tilmaamey xeer ilaaliyaha Guud Ee Qarnku in hoos u dhac ku yimid Dacwadihii iyo Dadkii loo soo xidhi jirey Faldambiyeedyada kala duwan ka Dhici jirey Gobolkaas.

 

Geesta kalaena, Agaasimaha Cusub Ee Cisbitaalka Guud Magaaladda Balli- gubadle C/xakiim Maxamed Maxamuud dhawaan u soo magacaabeen Masuuliyiinta wasaradda Horumarinta caafimaadka Ayaa xilkii si rasmi ah kala wareegay Agaaimihii hore Cisbitalkaas,xafladdi xil- wareejinta waxaa ka soo qeybgaley bahda caafimaadka ka howgasha Gobolkaas iyo isu- duwaha wasaradda horumarinta caafimaadka Ee Gobolka Hawd, Cuqaal iyo marti sharaf kaleba.

 

Masuliyintaas waxay si wado jir ah uga warameen in xaaladda caafimaadka Gobolkaas Hawd xiligan fiican yahay oo bahda Caafimaadku si fiican Bulshadda ugu adeegaan.