Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Qayb Galay Aaska AHN Marxuum Khadiija

0
36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Madaxda Qaranka, Wasiirro ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, siyaasiyiin, culamaa’uddiin iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada ayaa ka qaybgalay janaasada Allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, oo shalay ku geeriyootay magaalada Jabuuti.