Wasiir Koorr Muxuu Ku Arkay Wakaaladda Biyaha Berbera

0
38

Wasiirka hor-u-marinta Khayraadka Biyaha JSL, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kormeer indha indhaeyna ku tegay wakaaladda biyaha ee magaalada Berbera.

 

Maareeyaha wakaalada biyaha magalaada Berbera Khadar Siciid Axmed, ayaa wasiirka warbixin ka siiyay habka ay wakaaladu u shaqayso iyo qaybaha ay ka kooban tahay, waxaanu tilmaamay in shaqada wakaaladda biyaha ee Berbera ay tahay mid joogto ah oo aan xili lahayn, iyada oo ay shaqaalaha wakaalada biyaha ee Berbera shaqeeyaan habeen iyo maalinba.

 

Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha wakaalada biyaha ee magaalada Berbera shaqada ay shacabka magaalada Berbera u hayaan, isaga oo sheegay in mashruucii ugu dambeeyay ee dhanka hor-u-marinta biyaha oo maalintii shalay ahayd laga dhagax dhigay magaalada Berbera uu magaalada siin doono biyo badan.