Mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale

0
42

Mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale sida ay wararku tibaaxayaan.

 

Mas’uuliyiinta oo ay ku jiraan wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ayaa si qarsoodi ah ugu biiray ololaha doorashada musharrixiinta kursiga kula loollamaya Siciid Deni.

 

Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.

 

Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.