Faysal Cali Waraabe Oo Wasiir Toorno Xafiiskiisa Ugu Tegay

0
51

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarint Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye ( Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo maanta booqasho ku yimid Xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

 

Intii kulanku socday Wasiirka iyo Gudoomiyahu ayaa waxay ka wada sheekeysteen ahmiyada ay Wasaaradda Qorshayntu u leedahay Qaranka, iyo sidii muxaafad iyo mucaarad looga wada shaqayn lahaa danaha Qaranka, gaar ahaan arimaha Horumarka iyo Dhaqaalaha.