Maxaa Loo Abaalmariyey Safiirka Somaliland ee Jabuuti

0
72

Danjire Cabdifatax Siciid Axmed ayaa abaalmarin la gudoonsiiyey.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shirre ayaa shahaado-sharaf ku maamuusay Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ah wakiilka Somaliland u jooga Dalka Jamhuuriyadda Djabouti.

 

Safiirka ayaa ku mutaystay shahaado-sharaftan wada shaqaynta fiican ee Xafiiskiisu la leeyahay Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaana kaalintiisa dakhli-soo-saar marka loo eego xafiisyada kale ee dhigiisa ah ee ay Somaliland ku leedahay Wadamada Jaarka ama dunidaba.