SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO DIB U CUSBOONEYSIIYAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA LABADA DAL.

0
82

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO DIB U CUSBOONEYSIIYAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA LABADA DAL

 

Muqdisho, Diseembar 07, 2023 : Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay kala saxeexdeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxeexddeen bishii February, 2014.

 

Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

 

Gaba-gabadii heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.