Somaliland oo Muwaadiniin Itoobiyan ah Dalkoodii dib ugu Celisay.

0
77

Somaliland oo Muwaadiniin Itoobiyan ah Dalkoodii dib ugu Celisay.

Hargaysa:- 31 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa saaka laga anbabixinayey Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, kuwaasi oo iyagu si iskooda usoo dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.

 

Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka JSL, oo kaashanaysa Hay’adda IOM ayaa hawshaa fulisay.

 

Dhinaca kale waxaa jira qulqul bulsho oo ka imanayo dhinaca dalka Itoobiya kuwaasi oo ka soo gudba xuduuda labada dal i dhaxaysa.

 

Dadkan ayaa u kala baxa dhawr qaybood, qaar waxa ay ku nagaadaan Somaliland gudaheed iyaga oo shaqooyin kala duwan ka qabta magaalooyinka dalka, halka qaar kalena ay sii dhaafaan dalka oo ay maraan badda cas, waxaanay u haajiraan dalka Sucuudiga iyo Yemen.

 

Gudaha suuqayada Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera waxaa buux dhaafiyay dad u badan muwàadiniin Itoobiyaan ah oo qaar ay dadka wax weydiisanaya iyo kuwa si iskooda u shaqaysta.

 

Balse waa dhif iyo naadir in bulshada ka soo jeeda Itoobiya inay si iskooda u dalbadaan in dib loogu celiyo dalkoodi hooyo ay sida maantaba dhacday oo kale.

 

Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo ay ka dhaxeeyaan xidhiidh dhaqan dhaqaale, waxaanay wadaagaan waxyaabo badan, labada dal waxa ka dhexeeya xidhiidh adag oo dhinac kasta ah.