Warbixin :- Yaa ku guuleysan doona dagaalka Qaza? 

0
22

Warbixin :- Yaa ku guuleysan doona dagaalka Qaza?

Tani waa su’aasha ugu muhiimsan ee qof walba u baahan yahay inuu oggaado jawaabteeda, waa mid u baahan inan sugno sida uu rabbi ugu talagalay inuu ku dhammaado dagaalkan, balse waxaan isku dayayna inan fallanqeyno dagaalka sida uu ku socdo iyo natiijada dhinac kasta la filan karo.

 

Markaan eegno dheelitirka awoodda, hubka, tirada askarta, iyo taageerrada dibadda miisaanka ayaa u janjeera dhanka Israa’iil. Laakin dagaalka jabhadda ee magaalooyinka waa mid ka mid ah dagaallada ugu adag ee ay ciidamada lugta ku dagaallami karaan, kuwaaso door bida in ay ka hortagaan ciidammo caadiga ah halkii ay ka hortagi lahaayeen iska caabin hubaysan iyada oo loo marayo dagaalka magaalooyinka,waxay la macno tahay, haddii aan eegno waxa Qasa ka dhacaya ee dhulka;

 

Dagaal-magaaleedka ka socda Qasa , waxaa geesinimo dhiirran soo bandhigay iska caabinta, halka kuwa Israa’iil ay muujiyeen sida ay uga baqanayaan inay dhintaan, taa oo xata gaartay heer askarta qaar ay diiddeen inay gudaha u galaan waqooyiga Qasa, kuwa kalana iyaga ayaa is toogtay iyagoo u cabsanaya in lagu silciyo nolasha, sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta maxalliga ah ee Qasa.

 

Marka aan ku soo laabanno dagaalka magaalada miisaanku waxa uu u janjeedhsanaya dhinaca iska caabinta Falastiiniyiinta sababta oo ah waxa ay u maamulleen dagaallada si caqli-gal ah,khasaare badan , dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggana ku gaarsiiyeen cadowga. Marka la soo koobo, qof kasta oo heysta awood uu ku sii dagaallamo ayaa noqonaya cidda guuleysata.

 

Haddii dagaalkani uu dhaafo hal sanno, Israa’iil waxay geli doontaa jahwareer dhab ah,kharashaadka dagaalkani wuxuu noqon doonaa mid dhaqaale ahaan burburiya Israa’iil,sida ay xilligan u maareynayaan dagaalkana waa mid dunidda ka horkeenaysa, maaddama saacad walba ay kordhayaan khasaaraha gaaraya rayidka oo dhalinaysa cadaadis ay wajahayaan dalalka taageerra Israa’iil.

 

Si la mid ah, waxaa walaac iyo dareen dhinbil lagu fadhiyo ku ah hogg

 

Cabdiqani mahdi