Geelii Bukay Oo La Dawaynayo Hadda iyo Deegaamada Laga Bilaabay

0
29

Geelii Bukay Oo La Dawaynayo Hadda..

Kooxaha xirfadleyaasha caafimaadka xoolaha ee deegaanka oo kaashanaya maamulka iyo shaqaalaha xafiisyada xoolaha degmooyinka oo wali fulinaya daawaynta geela ku dhaqan gobolka Doollo ayaa tuulooyinka degmada Wardheer ka wada adeega dawada.

Kooxahan caafimaadka xoolaha ayaa adeega dawada geela gaadhsiinayaan guud ahaan degmooyinka gobolka Doollo oo uu ka jiro xanuun si ba’an udilaya geela, kooxahan caafimaadka oo ka socda Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS ayaa wada daawooyinka geela oo loogu talo’galay in la gaadhsiiyo guud ahaan gobolka Doollo.

Hawl-wadeennada Xafiiska Xoolaha Deegaanka iyo maamulka degmada Wardheer ayaa shacabka tuulada Caado uqabtay shir wacyigalin ah oo ku saabsanaa siday uga faa’iidaysan lahaayeen dawada loogu talo’galay in lasiiyo geela islamarkaana karantiilaan neefka uu ku dhaco xanuunkan.