Somaliland oo ka Guureysa Xeerka Ciqaabta Guud.

0
43

Somaliland oo ka Guureysa Xeerka Ciqaabta Guud.

Hargeysa – Guddida dib u habaynta Shuruucda dalka ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku hawlanayd beddelista Xeerka Ciqaabta guud ee dalka, kaasi oo ah xeer gaboobay muddo badana lagu soo shaqaynayay, guddida ayaa kulamo kala duwan oo ay yeesheen waxa ay kaga arrinsadeen sidii loo soo gabo’gabayn lahaa dhamaystirka Xeerka Ciqaabta guud.

 

Xeerka Ciqaabta guud ayaa ah xeer inta badan ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka kaasi oo in badan la adeegsanayay laguna xukumayay dadka iyo dalkaba, waxaanay guddidu hadda ku jiraan inay dhammaystiraan badelida xeerka Ciqaabta guud.

 

Guddoomiyaha Guddida dib u habaynta Shuruucda Somaliland Prof Maxamuud Xuseen Faarax ayaa Maanta shir gudoomiyey Kullan Lagu Falan-qaynayey dhamaystirka Xeerka Ciqaabta Guud ee Somaliland oo ay hawshiisa ku jireen mudooyinkii u danbeeyay.

 

Waxa Kulankaas oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Guddida Goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddida dib u habaynta Shuruucda Mudane Muxyadiin Cabdi Xaaji Cali, agaasimaha Waaxda Dib u eegista iyo dib u habaynta Shuruucda Garyaqaan Maxamed Axmed Maxamed iyo agaasimaha Waaxda Shareecada iyo Fiqiga ee Guddida Dib u habaynta Shuruucda Somaliland Maxamed Mahdi Xasan.

 

Intii Kullanku Socday waxa lagaga wada hadlayey Arrimo Ku saabsan Xeerka Ciqaabta Guud iyo Sidii Loo Dhamaystiri lahaa xeerka, waxaana kulanka la isula qaatay qaabka ugu haboon ee loo soo dhamaystiri karo xeerkan oo muhiimad wayn u leh dadka iyo dalkaba.

 

Gaba-gabadii Guddida dib u Habaynta Shuruucda Somaliland waa Guddi u xil-saaran in ay Dib u habayn ku samayso Shuruucda Dalka gaar ahaana Xeerarka Gaboobay iyada oo la waafajinayo Shareecada Islaamka ,Dhaqankeena iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.