Somaliland Iyo Kenya Oo Ka Shiray Xidhiidkooda Iyo Waxa Kasoo Baxay

0
34

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Mohamed A. Mohamud Barwaani iyo madaxda Safaaradda jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Senate ka dalka Kenya Mudane Hon. Amason Kingi oo ay weheliyaan mudanayaal ka tirsan golaha Senate-ka.

 

Kulanka waxa lagaga wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isku socodka dadka.

 

Hore, waxa safiirka Somaliland kulamo midho dhal ah ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Kenya Hon. Moses Wetangula, halkaas oo lagu meelmariyay laguna aasaasay Golaha Saaxiibada Somaliland ee Baarlamaanka Kenya ama Somaliland-kenya Parliamentary Caucus.

 

Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada dawladda, baarlamaanada iyo shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn usoo xoogaysanayay.