Muxuu U Sheegay Qaramada Midoobay Xildhibaan Barkhad Batuun

0
55

Muxuu U Sheegay Qaramada Midoobay Xildhibaan Barkhad Batuu

 

Xildhibaan Barkhad Batuun oo khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Qaramada midoobay ee Geneva ayaa yidhi,

 

“Dadkayagu madaxbanaanidii ay u dagalaamen 1991-kii oo ay dib ugu la soo laabteen dhulkoodi xuduudaha Ingiriska ku fadhiyay, ka dib waxay u midoobeen inay dib u dhistaan hab dawladnimo oo dumuqraadi ah iyo inay muwaadiniintu helaan xaq iyo xuquuq siman oo cadaalad ah.

 

Sidoo kale waxa Dalkayga Somaliland uu buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimada ee looga baahna.

 

Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad, doorashooyin iyo deganaansho balse beesha caalamki aaney na siin mudnaanta aanu laheyn oo ah Ictiraaf.

 

2021-kii oo ay dhacday doorashadii Barlamaanku waxa Ii codeeyay si aqlabiyad ah dad ka badan 21-kun oo qof anigoo ka soo jeeda beelaha minority-ga ah , Tariikhda Somaliland waxay ka noqotay qofkii ugu horeeyay codad intaas gaadhaya loogu doorto kursi barlamaan.”

 

Xildhibaan Barkhad Batuun oo khudbad ka jeediyay xarunta Qaramada midoobay ee Geneva.