Wasiirka Warfaafinta JSL, oo Fagaare Ka Sheegay Qorshayaal Cusub

0
46

Wasiirka Warfaafinta JSL, oo Fagaare Ka Sheegay Qorshayaal Lagu Horumarinyo Hawlaha Shaqo ee Ay Wasaaraddu U Hayso Qaranka

 

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa fagaare ka sheegay inuu horumarinayo shaqaalaha wasaaradda iyo dhamaan adeegyadda ay wasaaradu u hayso Qaranku, sidoo kale waxa uu wasiirku u balan qaaday shaqaalaha in qofkii dedaala la abaal marin doono, waaxda uu doono ha joogee, sidoo kale wasiirka ayaa ku adkeeyay shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta inay kor-u-qaadaan Tayada shaqada ay Qaranka u hayaan oo uu sheegay in bulshadu ay wax wayn ka sugayso waxaanu yidhi

 

“Waynagii guddi usaarnay ee nidhi Barnaamijyadii dib ha loo habeeyo, kolay way inuugu maqan yihiin, tayeyn iyo isbeddel xagga barnaamijyada ah waynu sameyn doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, anaga oo tallooyinkiina iyo waayo aragnimadiina ka faa’ideysaneyna.

 

Waxa la sameyn doona barnaamijka u wanaagsan ciddii soo saartay, abaalmarin ayaa la siindoona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, hibedda iyo hal abuurnimadu isku dhex bakhtiyimeyso wariyaha ugu wanaagsan ayaa abaalgud lasiin doono.

 

Warka suuqa ka dhaca ee 30 daqiiqo gudahood kaga baxa warbaahinta madaxa banaan, warbaahinta dowladdana gelinka danbe la geliyo kaasi waa war wakhtigiisii dhammaaday oo wax soconaya maaha, Wariyihii shaqada uu qabanayo la soo dhakhsada abalgud weyn ayuu leeyahay, farsayaqaanada iyo suugaanyahanada iyo waaxkasta oo ka hawlgasha wasaaradda hawsheedana si fiican ugudata abaalmarin ayaa la siin doona, cida aanu saaxiibka dhaw noqonaynaa waa cidda shaqadeeda sida ay taha uga soo baxa, dhaqaalaha yar ee wasaaradda soo galan waxaa lagu qurxin doonaa shaqaalaha iyo wasaaradda.

 

Waa in Istuudyuhu ka duwanaadaa kuwa kale, waa in Kamaradu ka duwanaataa Kamaradaha kale, waa in shaqaaluhu ka duwanaadaa shaqaalaha kale, ummada ayaa loogu adeegayaa wasaaradda wakhti dhawna waxaa dhici doonta in la yidhaa, wasaaradda Warfaafinta igeeya.

 

Waxa la idiinka baahan yahay wada-shaqayn fiican iyo midnimo, waayo wax badan bay bulshadu inaga filaysaa, anagana waxa la nooga baahan yahay wixii odaynimo iyo qorshayaal ah koley dhismayaal badanina way inoo soo socdaan’’.