Xukuumadda Somaliland oo war ka soo-saartay Maraakiib Kala Duwan oo Lagu Weeraray Badda Cas iyo Marinka Cadmeed.

0
47

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo-saartay Maraakiib Kala Duwan oo Lagu Weeraray Badda Cas iyo Marinka Cadmeed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isha ku haysa xiisadda amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee badda cas iyo gacanka cadmeed. Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta dagaalka iyo maraakiibta ganacsiga iyo suurtagalnimada budhcad-badeednimadu waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabo iskaashi oo wax looga qabanayo khatarta sii kordheysa.

Waxa kale oo aanu ka walaacsanahay saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka iman karta dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah ee kordhay ee ka socda Badda Cas, iyada oo ay suurtogal tahay in ay kor u kacdo qiimaha badeecadaha iyada oo ay sabab u tahay kor u kaca qiimaha caymiska maraakiibta ee gobolka.

 

Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xeebteeda dhererkeedu dhan yahay 850km ay ilaalinayaan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa qaaday tallaabooyin hor leh oo lagaga hortagayo falalka budhcad-badeedda iyo tahriibka ee ka iman kara baddeeda. Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxa aanu xoojinay ilaalinta xeebaha Somaliland si aanu u ilaalino xeebahayaga iyo nabad-gelyada badaha gobolka.

 

Waxa aanu ku adkaysanay sida ay nooga go’an tahay in aan xoojino badqabka badda iyo amniga gudaha baddeeda iyo aagagga dhaqaalaha gaarka ah, anagoo ilaalinayna mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la samayno saaxiibadayada gobolka si aan wax uga qabanno caqabadaha la wadaago ee budhcad-badeedda badda iyo ilaalinta sharafta badda cas iyo gacanka cadmeed.