DEG DEG Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Rag ku Eedaysan Nin Hargeysa Lagu Dilay

0
25

DEG DEG Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Rag ku Eedaysan Nin Hargeysa Lagu Dilay

“Warbixin :

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha kala ah

1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir

2- Ayaanle Muxumed Xaashi ina Faadumo Maxamed 22jir oo ku eedaysan inay 14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna mobile-kiisii , kaasi oo ah marag muujinta loo hayo eedaysanayaasha , marxuumka ayaa ahaa darawal ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta) , waxaanay yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee.

 

Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska .

 

Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay waxii ku jiray kala baxeen.

Ciidanka Boolisku waxuu degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi .

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.

 

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call Center 999