𝗝𝗲𝗻𝗱𝗮𝘆 𝗙𝗿𝗮𝘇𝗲𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻 𝘆𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗢𝗹𝗶𝘃𝗲𝗿 𝗦𝗺𝗶𝘁𝗵 𝗼𝗼 𝘂𝗴𝘂 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗿𝗮𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗝𝗦𝗟.

0
46

𝗝𝗲𝗻𝗱𝗮𝘆 𝗙𝗿𝗮𝘇𝗲𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻 𝘆𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗢𝗹𝗶𝘃𝗲𝗿 𝗦𝗺𝗶𝘁𝗵 𝗼𝗼 𝘂𝗴𝘂 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗿𝗮𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗝𝗦𝗟.

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 – Kaaliyihii hore ee arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanayd Afrika, Jenday Frazer iyo aqoon yahan u dhashay dalkaas oo la yidhaahdo Oliver Smith, ayaa warbixin wada jir ay u soo saareen ku booriyay dawladda Washington inay aqoonsato Somaliland.

 

Warbixintan oo ka koobnayd 11 bog, waxa daabacay Machadka Hoover oo ka tirsan Jaamacadda Stanford University, waxana Jenday Frazer iyo khabiirkaasi ay sheegeen qulqulatooyinka ka jira Laascaanood aanay meesha ka saarayn in la aqoonsado Somaliland, waxayna bayaamiyeen in dalka Kosovo uu soo maray duruufo noocan oo kale ah, haddana maamulkii Madaxweyne George W. Bush uu aqoonsaday sannadkii 2008dii, isla markaasna qaab la mid ah hannaankaas ay Maraykanku ku garwaaqsan karaan aqoonsiga Somaliland.

 

Waxa ay caddeeyeen in xaaladaha ka taagan waqooyiga Kosovo oo ay shacbi Seerbiyiin ahi ku diidan yihiin madax bannaanida qarameed ee dalka Kosovo, duruufo kuwaas shabahaa ay ka jiraan bariga Sool, xukuumadda Somaliland u aragto in cidhifka bari ee ay ku taallo Laascaanood ay sabab u tahay dagaalka ka dhacay, maadaama oo Puntland ku sheeganayso gobolka Sool hayb qabiil.

 

Jenday Frazer iyo Oliver Smith waxay sheegeen in Maraykanku masaalix badan la wadaagi karo Somaliland oo ah dal nabdoon oo dimuqraadi ah, iyadoo bogcada istaraatajiga ah ee ay ku taallaa dhinaca ku hayso marinka baabul-mandab iyo badda cas.

 

Sidoo kale waxay sheegeen in ay Somaliland la jaar tahay Jabuuti oo ay saldhigyo millatari ku leeyihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Faransiisku.

 

Dhinaca kale, waxa ay iftiimiyeen in cilaaqaad dhex mara Somaliland iyo Maraykanku uu xoojin doono in Washington danaheeda ku fidiso qaaradda Afrika.

 

Jenday Frazer iyo Oliver Smith waxa ay ku doodeen in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland uu waxtar u leeyahay kaalin gelinta ganacsiga dalkaas.

 

Wargeyska Dawan