Wasiirka Deegaanka JSL oo ka Qayb Gashay Shirweynaha Isbedelka Cimiladda ee COP28 Dubai

0
55

Wasiirka Deegaanka JSL oo ka Qayb Gashay Shirweynaha Isbedelka Cimiladda ee COP28 Duba

 

Dubai : Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka qayb gashay mid ka mid ah dood Cilmiyeedyada ka dhex socda shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee COP28 Dubai.

 

Shukri Baandare, oo ka mid ah wufuudda shirweynahaasi lagu soo marti qaaday ayaa doodda ay ka qayb gashay waxaa lagaga hadlayay Arrimaha la xidhiidha Tamarta Dib Isku Cusboonaysiisa (Renewable Energy).

 

Shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaaladda Dubia, ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo furmay 30-kii bisha ina dhaaftay ee November, ayaa socon doona ilaa 12-ka bishan December.

 

Wasiirka ayaa xustay doorka dawlada Somaliland ee dhiiri gelinta isticmaalka Tamaraha kala duwan ee deegaanka la saaxiibka ah, gaar ahaan Gaasta wax lagu Karsado ee loo yaqaan LPGs iyo Tamaraha kale ee Cagaarran.

 

Taasoo xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba Cashuurta ka dhaaftay cid kasta oo wadanka keenta kuna dhiirigalisay Bulshada Somaliland in ay Maanta 16.2% si toos ah u isticmaalaaan tamarta cagaaran.

 

Wasiir Shukri, ayaa sidoo kale soo bandhigtay fursada Maalgashi ee dhinaca Tamarta Cagaaran ee ka jirta Somaliland iyo shuruucda dalku ugu diyaar garoobay Maalgashi kasta oo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada wax ka geysanaya.

 

Geesta kale wasiirka oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda deegaanka waxay kulan la qaadateen masuul ka socday xafiiska Maal-galinta ee dawladda Ingiriiska.

 

Iyaga oo si qoto dheer uga waramay fursadaha Maalgashi ee wadanka Ingiriisku Somaliland ka gaysan karo kuwaasi oo Deegaanka wax ka taraya.