Ugu Yaraan Afar Qof Ayaa Ku Dhintay Qarax Jaamacad Ka Dhacay

0
68

Afar ruux ayaa ku dhintay qarax xoogan oo saaka ka dhacay dhisme ku dhex yaalla jaamacad ku taalla Philippines halkaas oo ay ka socotay munaasabad diimeed ay lahaayeen dad kirishtaan ah.

 

Hool lagu sameeyo jimicsiyada oo ku dhexyaalay jaamacadda Minddanao ee ku taalla magaalada ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee waddankaas ayuu qaraxaan ka dhacay.

 

Afartan iyo laba ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, intooda badan ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo fudud. Masuuliyiinta ayaa sheegay in xaalku uu haatan degan yahay.

 

BBC News Somali