𝐆𝐮𝐮𝐫𝐭𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐃𝐢𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐂𝐨𝐥𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐇𝐮𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

0
70

𝐆𝐮𝐮𝐫𝐭𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐃𝐢𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐂𝐨𝐥𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐇𝐮𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa saaka xalad uu hayn kari waayay ka hor sheegay dooda ajandaha Mawduuc aan ku jirin, taasi oo uu walaac xoogan ka muujiyay xaalad saansaan dagaal oo ka soo cusboonaatay gobolka Selel, waxaanu sheegay xaalada jirta awgeed in aanay xabaduuni qoriga ka bixin.

 

Geesta kale xildhibaan Xareed waxa uu ka dayriyay in xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin dowladdeed ay goob joog ka ahaayeen shir lagu soo saaray go’aamo lagu farayo beelo kale inay si deg dega uga guuraan degaanadooda, taas oo keeni karta isku dhac beelo walaalaha ah ee halkaasi wada dega.

 

Dhinaca kale waxa uu xildhibaanada golaha guurtida iyo xukuumadda ka codsaday inay fadhiga ka kacaan oo aanay eegan saansaanta xaalada colaadeed ee laga abaabulayo gobolka Selel iyo degaanada hoos yimaada, waxaanu sigaara xukuumadda u faray inay tallaabo ka qaado masuuliyiinta qaybta ka ah isku dhaca bulshada walaalaha ah.