Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Cuna Qabataynta Hubka Ee Somalia Laga qaaday

0
52

Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Cuna Qabataynta Hubka Ee Somalia Laga qaada

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd tan iyo 1992-kii ee uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraarkaas oo tirsigiisu ahaa 733 (1992). Waxabay somaliland aaminsannahay in cunaqabataynta wakhtigan oo la qaado ay Somaliland, mandaqada Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba ku yeelanayso saamayn ama wax u dhimayso.

 

Dagaalkii sokeeye ee ba’naa ee Soomaaliya ka dhacay, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 200,000 oo muwaadiniin oo reer Somaliland ah, waxa uu si weyn u xasuusinayaa khatarta hubka diyaarka ah ee la heli karo. Waxaan waayo-aragnimo u leenahay cawaaqib xumada ka dhalan karta fidinta hubka aan la xakameynin, waxaanan ka feejigannahay khatarta kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada maleeshiyada.

 

Soo ifbaxa kooxo maleeshiyo beeleed ah sida kuwa Laascaanood oo la safan kooxaha xagjirka ah waxay muujinaysaa khatar cad oo hadda ka jirta gobolka. Qaadista cunaqabataynta hubku waxay sii hurin kartaa kooxahan,kuwasi oo khatar gelinaya ammaanka gobolka iyo inay uga sii dari karto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda.

 

Soomaaliya si cad uma ay dhisin nidaam wax ku ool ah oo lagu baadho hubka, habab kormeer, ama siyaasadda maaraynta rasaasta. Tani waxay kor u qaadaysaa welwelka weyn ee ku saabsan suurtagalnimada in hubka loo weeciyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo sii xumaanaysa xasilloonida gobolka. Loolanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah suurtogalnimo kala duwan marka cunaqabataynta laga qaado. Tani waxay shaki la’aan wiiqi doontaa amniga iyo xasilloonida gobolka, abuurista jawi khatar ah oo hubka lagu shido.

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabataynta hubka, isla markaana ay sameeyaan dhaqan-gal iyo habab ilaalineed oo wax ku ool ah oo lagu xakameeyo hubka faraha badan ee Soomaaliya ka hor inta aan laga fikirin wax ka bedelka cunaqabataynta hadda saaran.

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an wada shaqayn wax ku ool ah oo ay la yeelato daneeyayaasha gobolka iyo beesha caalamka. Waxaan u heellannahay inaan wax ka qabanno walaacyada xooggan ee khatarta ku ah nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka