Shirkadda Telesom ayaa faahfaahisay tartan ciyaareed ay Hargeysa ku qabatay.

0
23

Shirkadda Telesom ayaa faahfaahisay tartan ciyaareed ay Hargeysa ku qabatay.

“Waa mar kale iyo tartan xiiso badan oo aannu u qabannay kooxo ka mid ah degmada Gacanlibaax, gaar ahaan xaafadda Daami. Kulankan waxa soo qabanqaabiyay dhallinyarada xaafadda oo uu hoggaaminayo ciyaaryahan hore Cabdi Riyaad oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, gaar ahaan Agaasimaha Guud, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin.

 

Dhinaca kale, waxa aannu buugaag ku wareejinay rugta ama maktabadda akhriska Xuseen Aw-Faarax ee xaafadda Daami. Buugaagtan oo ah buugaag xul ah waxa aannu ugu talogalnay in uu kor ugu qaado akhriska iyo qoraalka dhallinyarada, waxa naga guddoomay Suldaan Maxamed Muuse Nuur (Abu Sufyaan) oo ay wehelinayaan maamulka maktabadda iyo culimada xaafadda.

 

#Telesom