Wararkii U Dambeeyey Ee Gaza Iyo Tirada Dhimashada Maanta illaa Markii Dagaalku Bilowday 

0
49

Wararkii U Dambeeyey Ee Gaza Iyo Tirada Dhimashada Maanta illaa Markii Dagaalku Bilowday

 

Boqol qof in ka badan oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii Israa’iil ay dib u billowday weerarrada ay ku hayso Gaza, kaddib markii uu dhammaaday xabbad joojin, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

 

Ciidamada Israaiil ayaa Daadiyay waraaqo ay dadka ugu sheegayaan qaybo ka mid ah koonfurta Qaza ee horay loo duqeeyay in ay isakaga guuraan, taasoo muujinaysa duullaanka sii kordhaya.

 

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Qatar, Masar iyo Mareykanka, ayaa riixay in mar kale la kordhiyo joojinta, taasoo dhacday 7-da aroornimo ee waqtiga maxalliga ah (05:00 GMT) Jimcihii.

 

In ka badan 15,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashadu waxay maraysaa ilaa 1,200