Dalku maanta dagaal uma baahna, ee doorasho ayuu u baahan yahay. 

0
33

Dalku maanta dagaal uma baahna, ee doorasho ayuu u baahan yahay.

 

Somaliland amintan kama duwana, doon ay doc kasta biyo ka soo galeen, taas oo dareewalkeeduna dayow iyo daal la daala-dhacayo.

Qarankan dheel-dheeliyaya, ee dhibaatada badani dhabtiisa buuxisay, uma baahna maanta dagaal iyo duulaan la qaado. Balse, wuxuu u baahan yahay difaac, deganaansho, iyo doorasho loo dareero.

Sidoo kale, xaqiiqada inala deriska ah la iskama indha-tiri karo.

 

Sidaa darteed, waxaynu u baahan nahay in aynu galno diyaar-garow buuxa iyo difaac adag.

Haddii la inagu soo duulo, waa in aynu is difaacnaa. Laakiin, hadalna waa la cadeeyaa, ilkana waa la cadeeyaa’e, duulaan aynu qaadno dani kuma jirto. Waxaan far waaweyn ku dhigayaa, hawlaha faraha badan ee ina hor-yaal, waxaynu kaga gudbi karnaa oo keliya, midnimo iyo wadajir.

 

Allahayow, maxaa ka run badan maahmaahda tidhaahda: Shan nin oo isku calool ah, ceelna way biyeeyaan, cadowna way iska celiyaan.

 

Dhinaca kale, doorasho ayaynu u diyaar garoobaynaa in ay dalka ka dhacdo November 2024, idam Eebbe. Dalku wuxuu galay jawi doorasho, in laga duwaana waa dembi culus, oo aan loo dulqaadan karin.

 

Ugu dambayn, waxaan caad iyo ciiro toona inaga saarnayn, in dhaankii qarankeena ee isku daba xidhiidhsanaa, uu kala xadhig furtay. Haddaba, waxaan si weyn uga digayaa, in dadka hambada hadhay la sii kala durkiyo, iyo in la dibin-daabyeeyo doorashooyinka la wada dugsanayo”

 

WQ-Gudoomiye Maxamuud Xaashi