Wararkii U Dambeeyey Ee Dagaalka Gaza Iyo Xaaladda

0
71

UPDATE: Wasiirka Arrimaha dibadda Koonfur Afrika, Naledi Pandor ayaa ku baaqday in ciidammo ka socda Qaramada Midoobay la geeyo Qasa, kuwaas oo dammaanad qaadaya xabbad-joojin, ilaaliyana dadka rayidka ah.

UPDATE: Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa sheegay inay la kulmayaan cadaadis uga imaanaya caalamka, balse wuxuu sheegay tan inaysan ka joojin doonin inay dagaalka sii wadaan illaa natiijada ,waxaa kalo uu shuruud ku xiray xabbad-joojin bini’aadanimo, isagoo sheegay taa kaliya inay ku dhici karto marka la sii daayo maxaabiista.

UPDATE: Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant “Wax niyad ah uma hayno inaan dagaal la galno Xisbullah, haddii Nasrallah uu khalad sameeyo wuxuu burburin doonaa Lubnaan.”

 

UPDATE: Gantaallo laga soo ridday Qasa ayaa ku dhacay Telaabiib, xilli uu halkaa ka socday shirka jaraa’iid ee wasiirka difaaca Israa’iil, sida uu baahiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.