Raysal Wasaaraha Somalia Muxuu Ku Soo Arkay Goobihii Uu Tegay

0
95

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo hambsami u socodka howlaha ay Qaranka u hayaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda warbixinno la xiriira adeegyada ay Wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.

 

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda #DanQaran iyo hey’adaha kale ee Dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

 

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —