Update: Dagaalka Israel-Qaza laga soo bilaabo 07 October, 2023.

0
56

Update: Dagaalka Israel-Qaza laga soo bilaabo 07 October, 2023

Israel
 Dhanka Israel waxa ka dhintay ugu yaraan 1,405 ruux oo ay ku jiraan 311 Militari ah, 58 Booliis ah iyo 4 weriyeyaal ah.
 Waxa ka dhaawacmay Israel ugu yaraan 5,431 ruux. Waxa la haystayaal ah 239 ruux ay kujiraan 30 isugu jira ciidan iyo carruur. Waxaana la la’yahay 40 Israeliyiin ah raq iyo ruuxba.

Geesta kale, Qaza iyo West Bank ayaa iyaguna xaalkoodu marayaa sidan hoose;

  1. Qaza
     Waxa shahiiday intii dagaalku socday ugu yaraan 8,306 ruux oo ay 3, 457 carruur yihiin, halka 2,136 dumar ahina ay dhinteen iyo weliba 29 weriye.
     Waxa dhaawacmay muddadan kooban ugu yaraan 21,048 qof. Waxa kujira 8,360 carruur ah iyo 4,891 dumar ah. Lahaystayaasha Marinka Qaza waxay kor u dhaafeen 1,870 carruur ah iyo jeelasha oo ay dhigeen in ka badan 4,000 oo ruux.

  2. West Bank
     Ugu yaraan 119 qof ayaa ku dhintay ay 36 carruur yihiin iyo weliba 1 gabadh. Waxa ku dhaawacmay dad gaadhaya 1,960 qof oo ay ka mid yihiin 36 carruur ah iyo sidoo kale 1 gabadh.
     Waxa la taxaabay in ka badan 1,680 qof, 2 ka mid ahina ay ku dhinteen xabsiga.

Guud ahaa Dagaal falastiin waxa kaga dhintay in ka badan 8,425 ruux, halka ay kaga dhaawacantay 23,008 ruux oo kale. Tani waxa ay muujinaysaa kala fogaanshiyaha khasaaraha dagaalka iyo awoodaha labada dhinac isu adeegsanayaan.

Dunida oo ay ku jiraan dalalka Carabta ayaan dagaalkan wax aan cambaarayn ahayn oo caawimo ah aan gaadhsiin Ummada Yuhuuddu xasuuqayso ee Falastiiniyiinta.

Sideed u aragtaa?

SUGAN MEDIA TV