Raysal Wasaaraha Somalia Oo Soo XidhayShirweynaha Dhiirigelinta Waxsoosaarka

0
48

Muqdisho, Oktoobar 30, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Waxsoosaarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

 

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

 

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia