Wararkii U Dambeeyey Ee Gaza Iyo Israaiil Oo Duqaymihii Ugu Cuslaa Ku Garaacaysa

0
34

DEG DEG: Kooxda bisha Cas ee Falastiin, kooxda ugu ballaaran ee gurmadka deg deg ah fulinaysay, ayaa hadda shaacisay inay shaqooyinkoodii istaageen , kaddib markii uu go’ay xiriirka xarumahooda iyo shaqaalaha, iyagoo sheegay inaysan garanayn sida ay ku gaari karaan goobaha gurmadka u baahan. Aljazeera oo wariyaheeda soo xigatay ayaa sheegtay.

 

Isgaarsiinta Qaza ayaa gebi ahaanba la jaray, xilli weerarkii ugu cuslaa ay halkaa ka waddo Israa’iil.

 

DEG DEG: Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay xoojiyeen duqeymaha Qaza , oo uu sheegay inay adeegsan doonaan gantaallo culus, waxaa kalo uu caddeeyay inay caawa qaadi doonaan howlgallo ballaaran oo dhulka ah , korna inay sameyn doonaan duqeymo aan kala joogsi lahayn ayuu tilmaamay, isagoo mar kale ugu baaqay dadka deggan waqooyiga Qaza inay si dhaqso ah ugu guuraan koonfurta, taa oo sida dhabta ah aan suragal ahayn, maaddama diyaaradaha , maraakiibta iyo taangiyadda Israa’iil ay goob walba duqeynayaan.

 

Duqeymaha Israa’iil ee caawa ayaa lagu sheegay kuwii ugu naxariista darnaa ee ay Qaza ka geysanayaan. Waxaana guud ahaan la jaray isgaarsiinta Qaza, oo sabab u noqon doonta adeegyo kuwa gurmadka deg degga ah ay ugu horreeyaan inay istaagaan.

DEG DEG: Israa’iil ayaa gebi ahaanba jartay isgaarsiintii marinka Qaza,iyada oo qaadaysa duqeymihii ugu xoogganaa ee abid ka dhaca Qaza tan iyo 7-dii October, sida ay werisay Al Arabiya.

DEG DEG: Maraakiibta Israa’iil ayaa waqooyiga Qaza ku garaacaya gantaallo aan horey loogu riddin Qaza. Weerarka caawa ee Israa’iil waa midkii ugu naxariista darnaa!

 

UPDATE: Duqeymaha Israa’iil ay caawa ka geysanayso Qaza, waa mid aan kala joogsi lahayn, waa wax ka badan illaa 7 October, duqeymaha ay geysanaysay Israa’iil.

,