𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗦𝗼𝗼𝗹 𝘄𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗴𝗲𝗲𝗻, 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝗼𝗴𝘁𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗴𝘂𝘂𝘅𝗼𝗼𝗱𝗮”𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗗𝗵𝗮𝗴𝗮𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲

0
51

“𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗦𝗼𝗼𝗹 𝘄𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗴𝗲𝗲𝗻, 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝗼𝗴𝘁𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗴𝘂𝘂𝘅𝗼𝗼𝗱𝗮”𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗗𝗵𝗮𝗴𝗮𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 -(HM tv)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga Somaliland, Cabdi Cismaan Dhagawayne, ayaa sheegay in reer Sool ay Somaliland ka tageen reer Awdalna ay tabasho qabaan.

 

Wasiirka oo ka hadlayay xaflad meher ah, ayaa sheegay in beel gaar ahi ay madaxtinimada Somaliland, isku kaayaysanayso, waxa uu ku baaqay in beelaha darafyada wax loo ogolaado.

 

Waxaanu yidhi.”Reer Sool way tageen oo waan ogahay, reer Awdalna waad ogtihiin guuxooda, anagu guuxa reer Awdal waanu la qabnaa, xukuumaddana difaacimaayo, maanta dee idinka ayaaba ku kaayaysanaya oo cid aad wax u ogoshihiin ma jirto, waxan leeyahay beelaha darafyada hala ixtiraamo”.

 

Kadib markii la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, waxa heshiiskaa diiday 3 urur oo uu ku jiro ururka Hilaac oo uu hoggaamiyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo kasoo jeeda gobolka Awdal.

 

Diidmada Samatar ayaa horseed u ah in dad gobolka kasoo jeeda oo la aragti ahi, ay dalbadaan in doorashada madaxtooyada ay ururada uu Hilaac ka mid yahay ka qaybgalaan si ay ugu tartamaan madaxtinimada.