𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮 𝗼𝗼 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 𝗾𝘂𝗻𝘀𝘂𝗹 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝘄𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

0
47

𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮 𝗼𝗼 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 𝗾𝘂𝗻𝘀𝘂𝗹 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝘄𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

𝗡𝗔𝗬𝗥𝗢𝗢𝗕𝗜 – Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qunsulka ay dhawaan Somaliland u magacawday, uu yahay qunsul guud isla markaana, Kenya anay aqoonsanayn Somaliland.

 

Kenya oo ka jawaabtay codsi Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo lagu dalbanayay in lacadeeyo jagada iyo shaqada uu qabanayo Cabdiwali Muxumed Xuseen, oo dhawaan Kenya u magacawday xafiiskeeda Hargaysa, ayaa sheegtay in uu yahay qunsul guud, ee ayna Kenya u aqoonsaneyn Somaliland dal.

 

“Wasaaradu waxay markale caddaynaysa aqoonsiga buuxa ee Dowlada Kenya ay u hayso midnimada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna caddaynaysa in Kenya ay Somaliland u aqoonsantahay dowlad goboleed Soomaaliya kamid ah”.

 

Kadib safar uu ku tagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, dalka Kenya 13, December, 2020, ayaa horseeday in Kenya xafiis ka furato magaalada Hargeysa, taasi oo ka cadhaysiisay dowlada Soomaaliya.

 

Hadaba, dhawaan ayay dowlada Kenya qunsul usoo magacawday Somaliland, iyada oo isla markaana safiir cusub u magacawday Soomaaliya.