Magaca Masuul Cusub Oo Madaxweynaha Somaliland Magacaabay

0
57

DEG DEG WAREEGTO MADAXWEYNE: 23 /10/2023.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Maxamed Cabdillaahi Cilmi Xujaale laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.