Wararkii U Dambeeyey ee Dagaalka Gaza Iyo Tirada Dhimashada Oo Korodhay

0
53

UPDATE: Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 5,087 qof lagu dilay Qaza tan iyo markii uu dagaalka billowday.

 

Dadka dhintay 2,055 oo ka mid ah waa carruur, halka 1,119 ka mid ah ay dumar yihiin.

 

UPDATE: Xamaas ayaa ku weerartay saldhigyada ciidanka Israa’iil ee Nir Oz iyo Ein HaBesor labo diyaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee UAVs, balse Israa’iil ayaa sheegatay inay ka hortagtay diyaaradaha inay gaaraan bartilmaameedkooda saldhigyada ciidanka.

 

Saacado ka hor sidan oo kale , Xisbullah ayaa weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday saldhigyada ciidanka Israa’iil ee xadka Lubnaan

 

UPDATE: Booliska Turkiga ayaa sheegay inay magaalada caasimadda ah ee Ankara ku xireen 33 qof oo 31 ka mid ah ay ka soo jeedaan Ciraaq iyo labo u dhalatay Suuriya oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

 

 

.