DEG DEG Faarax Macalin Oo Ku Baaqay In Faysal Cabdi Bootan iyo Maxaabiista kale ee Laascaabod Ku Xidhan Lasii Dayo

0
48

DEG DEG Faarax Macalin Oo Ku Baaqay In Faysal Cabdi Bootan iyo Maxaabiista kale ee Laascaabod Ku Xidhan Lasii Day

Xildhibaan Faarax Macalin ayaa Ugu baaqay Cidda Gacanta Ku Haysa Maxaabiista somaliland Laga qabtay ee Laascaabod ku xidhan inay siidaayaan.

Faarax Macalin Oo xaflad ka hadlayey ayaa Yidhi sidan “Dadkii Dhintay masoo Noqonayaan, cuqdad in la Qabo maaha, Maxaabiista ay SSC Khaatumo Haysana Waxaan Leeyahay Kulligood Siidaaya oo u dira dalkoodii”

Isaga oo Hadalkiisa Soo wata Waxa uu intaasi raaciyey “Aniga oo Og inuu Faysal Cabdi Bootan Dad badan Laayey hadaan haddii la yidhaahdo ha la qisaaso, wax faa,iido ah oo ay keenayso ma jirto Dadkii la Dilayna masoo Noqonayaan, isaga hadaad dishana waa walal kaa tegay, in Dadka Maxaabiista ah la siidaayo ayey sharaftu ku jiraa ayaan leeyahay” Ayuu Yidhi Faarax macalin

Khadar Mucalim Deeq
@followers