Somaliland Oo War Deg deg ah Kasoo Saartay Aqoonsiga Somalia ee Khatumo

0
69

#BREAKING Xukuumada Jsl Oo Jawaab Ka Bixisey Qoralkii Dowlada Somalia Ay Ku Shegtey In Ay Tageersantahey SSC Khaatumo

War-Saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeesatay aqoonsi ay dawladda Somalia sheegtay inay siisay maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan Magaaladda Laascaanood.

 

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayay talaabadan ku macnaysay weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waxayna sheegtay in arrintani ay khatar ku tahay xasiloonida Geeska Afrika.

 

Xukuumadda Somaliland waxay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaha uu dalkani leeyahay nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadu.

 

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar geli Gobolka