Waa kuwee dalalka Carabta ee xiriirka diblomaasiyadeed la leh Israa’iil?

0
25

Waa kuwee dalalka Carabta ee xiriirka diblomaasiyadeed la leh Israa’iil?

𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫: Sannadkii 1979-kii, Madaxweynihii Masar Anwar Sadat waxa uu heshiis nabadeed la saxiixday Israa’iil kaas oo laga wada xaajooday intii lagu jiray shirkii Madaxweyne Jimmy Carter ee Camp David. Sida uu dhigayo heshiiska, Israa’iil waxay ka tanaasuli doontaa gacanka Sinai ee Masar si ay Masar si buuxda u aqoonsato Dawladda Istaa’iil iyo samaynta xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa.

 

𝐉𝐨𝐫𝐝𝐚𝐧: Oktoobar 26, 1994, Boqor Xuseen ee Jordan iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil,Yitzhak Rabin ayaa si rasmi ah u gaaray heshiis uu goob joog ka ahaa madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Bill Clinton. Waxa ay ku soo beegantay sanad kadib heshiiskii Oslo ee nabadda ee dhexmaray Israa’iil iyo ururka xorreynta Falastiin ee PLO.

 

𝐔𝐀𝐄 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧: September 15, 2020, Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Isra’iil, Benjamin Netanyahu ayaa heshiisyo la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain Abdullatif al-Zayani iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

 

𝐌𝐨𝐫𝐨𝐜𝐜𝐨: December 10, 2020, iyaga oo gacan ka helaya Mareykanka, Israa’iil iyo Marooko ayaa ku heshiiyay in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo buuxa.

 

𝐒𝐮𝐮𝐝𝐚𝐚𝐧: Inkasta oo Suudaan ay qayb ka ahayd heshiiskii Abraham, haddana weli may dhammaystirin saxiixa heshiiska Israa’iil.

 

Heshiisyadan, ayaa jabiyay heshiiskii waddamada Carabta ee ay ku diidanaayeen aqoonsi kasta oo Israa’iil ah, waa in ay ku xiraan joojinta qabsashada dhulka falastiiniyiinta iyo samaynta xal laba dawladood ah oo ku salaysan xuduudaha 1967kii, taa oo maanta in laga hadlayo iskadaaye ay waddamada Carabta ku dhiirran la yihiin Israa’iil inay u sheegaan joojinta weerarrada iyo duqeynta aan loo meel dayin ee ay kula kacayso Falastiiniyiinta.

 

Iman jama