Xisbiga Waddani Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyey Sicir Bararka Iyo Sarif Bararka

0
53

Xisbiga WADDANI oo walaac ka muujiyey 380 Billion oo Somaliland Shilling ah oo ay sheegeen in Xukuumadu ay qorshaynayso in la daabaco.

 

Xoghaya Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” ayaa qorshahaa ‘sharci darro’ ku tilmaamay wuxuuna ka digay in sicir bararka iyo sarif bararku ka sii darayaan haddii lacag cusub oo la soo daabacay xukuumaddu suuqa geliso.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay ka noqdaan daabacaadda lacagtaas.