Sucuudiga Oo Cadeeyey Mawqifkiisa Dagaalka Falastiin Iyo Yuhuudda

0
29

RIYADH: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman ayaa si adag u sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay garab taagan tahay dadka reer Falastiin si ay u gaadhaan buu yidhi xuquuqdooda sharciga ah ee nolol wanaagsan, xaqiijinta rajadooda iyo rabitaankood.

 

Mohamed bin Salaam iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ka wada hadlay xoojinta arrimaha Gaza iyo xaaladda sii xumaaneysa ee khatarta ku ah nolosha dadka rayidka ah iyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

 

Mar uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweyne Cabaas, dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa ku celiyay in Sacuudiga, ay la xidhiidhi doonaan dhammaan dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka, ee ku d,daalaya sidii loo joojin lahaa xiisadda sii socota loogana hortagayo inay ku sii fido gobolka,

 

isagoo carabka ku adkeeyay inay lama huraan tahay in loo hoggaansamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada kaas oo ka reeban beegsiga shacabka.