“Waa Aqoonsi gaar ah oo Kenya ay siisay Jamhuuriyada Somaliland.”

0
85

“Waa Aqoonsi gaar ah oo Kenya ay siisay Jamhuuriyada Somaliland.”

 

Xamse Khayre Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga Waddani ayaa ku tilmaamay aqoonsi gaar ah dalacsiinta meeqaamka Dawlada Kenya ay ku samaysay Xafiiskeedi dublamasiyadeed ee Somaliland, oo dhawaan loo soo magacaabay Safiir buuxa, iyadoo hore ergay loogu soo magacaabi jiray.

 

Xamse ayaa sheegay in ay tahay Aqoonsi gaar ah oo Dawlada Kenya ay siisay Jamhuuriyada Somaliland.

 

Xoghayuhu wuxuu ugu baaqay in xukuumada Somaliland ay sidoo kale xidhiidho wanaagsan la sameyso waddamadii dawlada Ingiriiska xoriyada ka qaatay ee la isku yidhaahdo ‘Commonwealth’ sidoo kalena ay xubinimo ay ka raadiso Ururka ay waddamadaas ku midooben.

 

Ugu danbayn wuxuu ugu baaqay in wasaarada arrimaha dibada Somaliland ay dejiso siyaasad cad iyo habraacyo ay ku maamusho meeqamka iyo u magacbixinta darajada xafiisyada Dublamaasiyadeed ee dhulkeeda laga furanaayo.