๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐—บ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—พ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐—พ

0
116

Agaasimihii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdillaahi Maxamed Cali ayaa xabsiga loo taxaabay, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska qaybta Guud ee booliska Gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in xadhiga agaasimaha loo maray si waafaqsan sharciga, wuxuuna daba socdaa eedeymo musuq-maasuq oo loo haysto.

Sida ay Booliisku sheegeen waxaa lagu xidhay amar ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Agaasimaha ayaa la horgeyn doonaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee masuul katirsan Dowladda loogu xidho arrimo musuq maasuq, tan iyo markii xafiiska uu la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaan, golaha wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar lagula dagaalamayo musuq maasuqa hayโ€™adaha Dowladda, waxayna Dowladda sheegtay inay kormeer ku sameynayso xafiiska dowliga ah. si loola dagaalamo musuqa.