Ururada Siyaasadda oo Burco kusoo Bandhigay Kun ka Qof ee Madax Taabaashada ah

0
90

Ururada Siyaasadda oo Burco kusoo Bandhigay Kun ka Qof ee Madaxtaabahada a

Ururada Siyaasadda Somaliland, ayaa magaaladda Burco kusoo Bandhigay Kun ka Qof ee Madaxtaabahada ah ee laga rabo.

Dhawr iyo tobanka Urur ee ku loolamaya wareegan madaxtaabashada ah, ayaa maanta Gobolka Togdheer kusoo Bandhigay dadweyne badan oo ah kuwa laga robo ee madax taabashada ah.

Guddida Diiwaan gelinata Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa goob joog ka ah meelaha ay kusoo bandhigeen taageerayaasha ururradani oo ka saxayey.

Ururka buuxin waaya shuruudda kunka Qof ee laga rabo madax taabashada, ayaa Halkaasi ku hadhi doonaa, waana wareegyada Ugu adag ee looga baahan yahay Ururada.

Gobollada Sanaag iyo Sool, ayey uga sii gudbi doonaan Ururradani maalamaha soo socda, iyaga oo sidoo kale goboladaasi kusoo bandhigi doona kunka qof ee looga baahan yahay gobol walba guddiduna ay ka sixi doonaan.