Mujaahid Dhagaeeyne Muxuu ka Yidhi qodobadii Shirka Garxajis

0
202

Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, “Dadka nin keligii ka xoog badan ma jiro, wixii aynu u badheedhnay ee iska kicinay ee hub ahi waakaa halkaa yaal waad wada garanaysan, Haduu qaldan yahay inagoo mid ah ayaynu qabanaynaa.

Maati danbe oo xabad lala dhacayaa ma jirto ee inteena waawaynba ugu horayn doonta.

Labbada Xisbi waxaan leeyahay goortii la iswaydaarinayay Doorashooyinka way saxeexen Run ma isu sheegna waxay saxeexen ayay ka qaylinayaan waar ka daaya ayaanu lahayn maalintaas.

Dawladaha hoose in lagu kala hadhay ahayd waxaa la isku ragcay waxaan isqaban, waar sidee u saxeexda oo u aqbashaa l, Tii uu ku yimid haduu diido halkaa istaag oo waar maaha.

Anigu Qodabadaas (Qodobada Shirka Garxajis), Sidooda ayaan u qaatay intaan idinka filayay ayaad samayseen, Suldaankaygii guud waakas horena waanu ugu nimid Suladiintiina iyo Xildhibaanadiina oo mowqifkayaga waanu u cadaynay.”