Samatar iyo Ataash: keebaa musharax madaxweyne noqon doonna.

0
178

Samatar iyo Ataash: keebaa musharax madaxweyne noqon doonna

Heshiishka labada hogaamiye qodobka ugu wayn ee hor yaala waa cida noqonaysa musharaxa madaxweyne ee xisbiga ee doorashooyinka soo socda.
.
Haddii xisbiga magaca Waaberi loo daayo waa in musharaxa uu noqda samatar sababahan darteed :
.
Samatar wuxuu haysta codbixiyeyaal ku dhow 150 kun; 98% codka gobolku isaga ka helaya xisbiyada kale; halka Ataash aanu deegaankiisu wali diyaar ahayn; inkastoo doorkan si ururkoodu usoo baxaan isku diiwaangalin doonno.
Qodobka 2aad Ataash waa dhalinyar sugi karta doorarka kale sidaasna waa lagu qancin kara Ataash.
Halka Ataash laftiisu ku doodi karo Mar hadii hore Awdal dalka usoo hogaamiyeen in doorkan Sool loo daayo laakiin waxa doodaas xukumaysa inta codbixiye ee Sool haysato taas oo aad u yar.
Markaad qodobadaas eegto waxa loo badinayaa inuu Samatar ku guulaysto inuu noqdo musharaxa xisbiga .
Haddii sidaas aan sheegnay wax u dhacaan gudoomiyaha xisbigu Ataash noqdo; musharaxa xisbiguna Samatar noqdo; ku xigeenka musharaxa madaxweynahana u doortaan sadexda Habrood ta doorkan sharaxnayn waa hubaal inay ku guulaysanayaan madaxweynenimada doorka dambe.

Qore Barkhad-ladiif