Maydka Maxamed Siciid oo Godkii Labada maalmood la qodayey lagsoo Saaray

0
164

Maydka Maxamed Siciid oo Godkii Labada maalmood la qodayey lagsoo Saara

Waxaa hadda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay dedaallo lagu baadigoobayay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid, kaasoo sadqii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god laga qoto dahabka, kadib markii hadda la soo saaray meydkiisa.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay, waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Xigasho: BBC