Puntalnd oo war Kasoo Saartay wiilka godka ku jira

0
153

Puntalnd oo war Kasoo Saartay wiilka godka ku jir

Dowladdu si dhow ayeey ula socota xaaladda Maxamed Siciid oo uu ku hoos jira God dahab laga qodo oo kusoo dumay, deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, Waxaan la hadalnay dadka deegaanka, Ciidanka deegaanka ku sugan ay howlgalka gurmadka ka qeyb qaadanayaan iyadoo Masuuliyiinta deegaanka ku metela Dowladda ay fududeynayaan shaqada socota.

Baahida ugu weyned waxay aheyd in Meshiinada, gaadiidka iyo wiishashka gurmadka kujira Shidaal joogto ah ay helaan, taasi oo loo dhameystiray.

Waxaan la dareenahay dadka deegaanka, ehelada iyo qoyska Maxamed Siciid oo aan so dhow ula socono xaaladooda, Waxaan rajeynaynaa in uu howlgalka si Guul ah kusoo dhammaado, anagoo alle uga baryeyna in Maxamed uu nabad kusoo Badbaado.

Afhayeen Jaamac Dabaraani