DEG DEG: Puntland Oo Amartay In Boosaaso laga Celiyo, Diyaarad ay saarnayd Kusimaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka

0
202

DEG DEG: Puntland ayaa amartay in Boosaaso laga celiyo, diyaarad ay saarnayd Kusimaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sacdiya Salaad Samatar, taas oo siday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Sacdiya ayaa ah Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka, waxayna kasoo jeeda Puntland, maalmo kahor oo ay tagtay Garoowe ayaa si maqaam hoose ah loo soo dhaweeyey.

Diyaaradda ayaa hawada laga ceshay, taas oo muujinaysa xariirka Puntland iyo Federaalka in uusan aheyn wali mid dhameystiran, xili ay soo baxayaan macluumaad hoosadyo sheegaya in labada dhinac aysan isku faraxsaneyn.

Farah Abdulkadir Mohamed